Madaxweyne Erdogan oo ka shifay sir ku aadan Dilkii Wariye Jamal Khashoggi

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa ka hadlay dilka Saraakiil katirsan Sirdoonka Sacuudiga magaalada Istanbuul ugu geesteen Wariye Jamal Khashoggi oo mucaarad ku ahaa Boqortooyada talada Sacuudiga heysa.

Erdogan ayaa sheegay in dilka Wariye Jamal Khashoggi lasii qorsheeyay kahor inta aan la dilin , waxa uuna cadeeyay in Wariyaha 2-dii bishan lagu dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 15 ruux oo Sacuudiyaan ah oo saddex koox isu kala qaybiyay ay Istanbul ka dageen iyaga oo duulimaadyo kala duwan adeegsanaya, kuwaas oo magaaladaas tagay maalmihii iyo saacadihii ka horreeyay dilka Wariyaha.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan  in Saraakiisha baarista Turkigu ay arruuriyeen caddaymo xoog badan oo sheegaya in Jamal Khasoggi loo dilay qaab la sii qorsheeyay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka dalbaday Boqortooyada Sacuudiga in dadka loo xiray kiiska dilka Wariye Jamal lagu soo wareejiyo dowlada Turkiga si loogu maxkamadeeyo magaalada Istanbuul uu ka dhacay falka dilka ah.

Erdogan ayaa sidoo kale Boqortooyada Sacuudiga ka dalbaday in ay cadeyso halka uu ku dambeeyay meydka Wariyaha la dilay sidoo kale cadeeyaan cidii amartay dilka loo geestay Jamal Khasoggi.

Dowlada Sacuudiga ayaa dhawaan qirtay dilka Jamal Khasoggi in uu si khalad ah uga dhacay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul, hasa ahaayee qaabka ay Scauudiga uga hadashay dilka Wariyaha ayaa noqotay mid aan lagu qancin.

Turkiga ayaa laga sugayaa in banaanka soo dhigaan natiijada kasoo baxday baarista dilka Wariye Jamal Khasoggi, waxaana heer gabo gabo ah hada maraya baaristii ay wadeen saraakiisha baarista ee dowlada Turkiga u xil saartay kiiskan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -