Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

R/W Kheyre oo magacaabay Guddi Aqalka sare kala shaqeeya xalinta cabashooyinka Maamul Goboleedyada

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay Guddi Wasiiro ah oo Aqalka sare kala shaqeeya xalinta cabashooyinka Maamul goboleedyada.

Guddigan uu Magacaabay Ra’isul Wasaare Kheyre waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, halka ay xubno ka yihiin Wasiirka Maaliyadda,Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Dastuurka.

Ra’isul Wasaare Kheyre Guddigan uu magacaabay ayaa lagu wadaa in Aqalka sare kala shaqeeyaan dhageysiga cabashooyinka ay qabaan maamul goboleedyada iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Halkan ka Akhriso Qoraal Kheyre kasoo baxay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowladda oo soo saartay Erey bixinta Af Soomaaliga ee Urur goboleedka EAC

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Pirkka Tapiola

Caydiid Ali

Guddoomiye Cumar Filish oo xariga ka jaray xarun muhiim ah oo la dayactiray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---