Puntland oo gurmadkii ugu weynaa u dirtay Belad-weyne iyo Deni oo sagootiyey (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb galay sagootinta Gurmadkii ugu balaarnaa ee Puntland u dirtay dadweynaha magaaladda Beledweyne oo dhowaan ay waxyeelo kasoo gaartay fatahaaddii Webiga Shabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni waxaa xafladda lagu sagootiyey gurmadka loo diray Beledweyne, ku weheliyey xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda, Maamulka Degmada Garoowe iyo kan Gobolka Nugaal, Culimo iyo Ganacsato kasoo shaqeysay Gurmadkan iyo qaar ka mid ah Dhallinyaradii doorka ku lahaa.

Gurmadka maanta loo ambabixiyey Beledweyne oo intiisa badan laga soo ururiyey Boosaaso, waxaa uu ka kooban yahay 20 Gaari oo nooca xamuulka qaada ah, oo ay saran yihiin 12,733 Kiish oo Raashin ah iyo Dhar cusub, waxaa deeqdan laraba in la gaarsiiyo 7000 oo qoys oo ah Walaalaha Fatahaaddu saameysay ee reer Beledweyne.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dadaalka iyo isxilqaanka reer Puntland sameeyeen si loo caawiyo dadka Fatahaadda Webiga Shabeelle saameysay “Waa waajib Dowladd iyo Shacaba saaran qeyb naga mid ah hadii Masiibo ku dhacdo in loo gurmado” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni.

Wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyey dadweynaha reer Puntland sida ay uga jawaabeen baaqii Dowladdu ay dirtay, isla markaana ay Dowladda ugala shaqeeyeen in la helo Gurmad loo diro Walaalaheena Beledweyne. Si gaar ah wuxuu u xusay Doorkii Culimada, Ganacsatada iyo Dhallinyaradu ay qaateen.

Gurmadka maanta Beledweyne loo diray oo ahaa kii ugu balaarnaa ee Puntland dirto, waxaa kasii horeeyay 5 gaari oo nooca xamuulka qaada ah oo laga ambabixiyey magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com