Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo hadal ka jeediyay Shir madaxeedka Daarusalaam ka socda (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay maanta Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku horgudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay Xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, isla markaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka.

Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.

Related posts

Carwada Wax Soo Saarka Wershadaha Somaliland oo xariga laga jaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xildhibaanadii ugu horeeyay ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Wasiirka arrimaha dibeda & danjire Hassan Bin Hamza? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---