Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad maanta lasoo taagay Ugaas Aadan Maxamed oo dambi culus loo heesto (Sawirro)

Maxkamadda ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga koowaad ee garmaqalka kiis uu eedeysane ka yahay Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi 44 jir katirsanaa Al Shabaab.

Ugaas Aadan Maxamed ayaa ciidamada Jubbaland qabteen isaga oo u dagaallamaya kooxda Al Shabaab islamarkaana horjooge u ahaa koox hubeysan oo qorsheynaysay in weerar gaadmo ah ay ku qaadaan xarun ay ciidamada ku lahaayeen deegaanka Yoontooy.

Ciidamada maamulka Jubbaland oo helay xogta weerarka kusoo wajahnaa ayaa ka hortagay weerarkii Al Shabaab , waxa  ayna ciidamada gacanta ku dhigeen Ugaas Aadan oo dhaawac ah sannadkii 2021-kii.

Ninkan ayaa maxkamadda sheegtay in kooxda Al Shabaab ku biiray sanandkii 2008-dii, waxa uuna ninkan Al Shabaab uga soo shaqeeyay qeybta uruurinta xoolaha sakada , waxa uu sidoo kale kasoo mid noqday kooxda Al Shabaab ee loo yaqaan jabhadaha.

Ugaas Aadan Maxamed ayaana eedeymaha loo heesto ee ah in uu Al Shabaab katirsanaa haddii maxkamadda ku hesho muteysan kara sannado xabsi ah, waxa ayna qareennada ninkan difaacaya isku dayayaan in xukunka xabsiga ah ka qafiifiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada Turkiga oo qabtay Haweenay la dhalatay Abuubakar Al Bagdaadi iyo Sir badan oo… 

Cabdi Cade

Warbaahinta Guinea oo ka hadashay booqashadii Biixi & Cadaadis saaran dowlada Somalia

admin

Xamaas oo cashar u dhigtay RW Jarmalka oo booqanayey Tel Aviv (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---