Dagaal culus oo ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool & Wararkii ugu dambeeyey

Dagaalo culus ayaa la soo sheegayaa iney xalay ka dhaceen degmada Waajid ee gobolka Bakool, kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogaga ka horjeeda ee Al-shabaab.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalkan uu yimid ka gadaal markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowladu ku leeyihiin duleedka degmada Waajid.

Waxaa dagaalkan oo socday muddo saacado ah la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo shacabka degmada Waajid ay sheegeen in xalay oo dhan ay maqlayeen daryanka qaraxyo waaweyn iyo rasaas daran-doori ah oo la isweydaarsanayo.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo sheegay dagaalkaas inuu ka soo gaaray labada dhinac hase ahaatee tirakoob sax ah lagama hayo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ee degmada Waajid ayaa sheegay iney iska caabiyeen weerarkaas lagu soo qaaday, ayna khasaare culus gaarsiiyeen xoogagii soo weeraray, isagoo xusay in dhinacooda uusan jirin khasaare soo gaaray, dhan al-shabaab kama hadlin dagaalkan.

Xaalada duleedka degmada Waajid ayaa degan saaka iyadoo goobihii xalay lagu dagaalamay ay joogaan ciidamada dowlada oo halkaas ka wada howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii soo weeraray.

Degmada Waajid ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka gobolka Bakool ee ay maamulaan ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo halkaas ku leh saldhigyo waaweyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -