Askari dhaawacay Taliyihiisa oo Xukun adag lagu lagu riday

Maxakmadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka Sida ayaa xukun adag ku riday askari lagu helay dambi ah in uu dhaawacay taliyihiisa kadib markii uu muran dhax maray.

Dable Axmed Cali Cawaale ayaa waxaa uu dhaawacay Taliye Yuusuf Daahir Cali kadib muran ka dhashay badal uu askariga ku sameeyay, waxaana dhaawaca askarigan u geestay taliyihiisa sababay in mid kamid ah lugihiisa laga jaro.

Hey’adda  dambi baarista Boliska CID ayaa in muddo ah heysay eedeysanaha iyadoo ka war sugeysa natiijada dhaawacca oo muddo kadib sababay in lugta laga jaro dhibanaha dhaawaca uu soo gaaray.

13-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay u soo wareegtay eedda Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Side, waxa ayna isla xilligaas weydiisteen Maxkamadda  in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska ayaa isku howlay sii wadidda baarista, waxa ayna 04ta bishan ay codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eedda ka dhanka ah Axmed Cali Cawaale oo loo heysto dhaawac  sababay in lugta laga jaro taliyihiisii,  waxa ayna Maxkamadda aqbashay in loo fariisto kiiska dacwadda shan cisha kadib.

09ka bishan ayaa markii ugu horreysay loo fariistay dacwadda, waxaana dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada kadib ay Maxkamadda ka dalbatay  Xafiiska Xeer Ilaalinta in la soo dhameystiro cadeymaha kiiska oo ku filnaan waayay fadhiga hore.

18ka bishan ayaa markale loo ballamay eedda dacwadda ka dhanka ah Dable Boliis Axmed Cali Cawaale, waxaana xafiiska xeer ilaalinta ay horkeeneen fadhiga Maxkamadda  Qiraalka eedeysanaha,  ciidamadii ay kawada tirsanayeen ciidanka Boliiska oo ku  marag furay, warqadda dhaawac muujinta iyo qorigii uu dhibka ku geystay.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa isna codsaday in ay bixiyaan magta dhibanaha, waxa uu sidoo kale codsaday in loo naxariisto eedeysanaha oo uu ku dooday in ay kaga fakatay xabadda.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Axmed Cali Cawaale lagu xukumo Shan sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale uu bixiyo 50-halaad oo ah magta dhibane Yuusuf Daahir Cali, sida uu u sheegay  dhammaan ka qeyb galayaasha fadhiga Maxkamadda  Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan  Aadan Wabiyow.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajda koowaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -