Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga dardargelinta Doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa soo saaray Wareegto summadeedu tahay Lr. 02, 13-ka Oktoober 2022, kuna saabsan Magacaabidda Guddiga Dardagelinta Doorashooyinka Puntland .

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Puntland ayaa ku magacaabay 11-xubnood oo toban kamid ah yihiin wasiirro, kuwaa oo ka shaqeenaya hannaanka doorshooyinka maamulka Puntland.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni ayaa u qorneed sida tan:

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta Hannaanka doorshooyinka Dimuqraadiga ah ee Puntland

Markuu tixgeliyey: Go’aankii ka soo baxaya Shirkii 17-aad ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu latashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Waxaa Guddiga Dardargelinta Doorashooyinka Dimuqaariga ah ee Puntland loo magacaabay Xunaha hoos ku xusan: –

1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda Guddoomiyeye.
2. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Xubin.
3. Wasiirka Maaliyadda Xubin.
4. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Xubin.
5. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xubin.
6. Wasiirka Warfaafinta Xubin
7. Wasiirka Haweenka Xubin
8. Wasiirka Waxbarashadda Xubin
9. Wasiirka Caafimaadka Xubin
10. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xubin
11. Madaxtooyada Xoghayn

Guddigaan waxay u xilsaaran yihiin dardargelinta Doorashooyinka Punltland iyo fududaynta tasiilaadka looga baahan yahay Dowladda.

Fulin Wacan,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo Kampala kaga qeyb-galaya Shir Arrin Muhiim ah looga hadlayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka Jubbaland oo shaaciyey iney nolol ku qabteen C/llaahi Macalin Ibraahim (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Guddi ka socday Qaramada Midoobay oo arrin muhiim ah kala hadlay Wasiirka Difaaca

Cabdi Cade
Taboola Ads ---