Khalalaase ka dhasha doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo laga digay

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa lagu wadaa bisha soo socota in ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi ay ku tartamayaan musharixiin dhoor ah.

Waxaa hada magaalada Baydhabo ku sugan Musharaxiin kala duwan oo u tartamaya xilka Madaxweynaha, waxaana musharaxiinta isugu jiraan kuwa saameyn badan leh oo gadaal laga riixayo iyo musharixiin iskood iswada .

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur  (Aadan Madoobe) ayaa ka digay in khalalaaso ka dhalato doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna musharaxiinta ka codsaday in xasiloonida ka shaqeeyaan.

Waxa uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe in Musharaxiinta looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan xasiloonida iskuna tanaasulaan, waxa uuna ugu baaqay Musharaxiinta in ay la shaqeeyaan kii ku guuleesta.

Magaalada Baydhabo ayaa marti galineysa doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo lagu wado in ay dhaco 17-ka bisha November, waxaana doorashada ugu adag ku loolami doona Musharax ay dowladu wadato iyo Shariif Xasan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -