Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qab qabtay burcad hubeesan

Ciidamada amaanka ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgalo xoogan oo lagula dagaalamayo burcad hubeesan oo dhac ka geesta xaafadaha Muqdisho iyaga oo adeegsanaya Mootooyin.

Howlgalo maalmihii ugu dambeeyay ciidamada booliiska ka sameeyeen magaalada Muqdisho ayaa lagu xir xiray qaar kamid ah burcada dadka ka dhaca moobeelada iyo sidoo kale labtobyada.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse ayaa sheegay in Ciidamada booliska ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan dad lagu eedeeyay inay dhac ka geysanayeen Xaafado ka tirsan Magalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Wasiirka in burcada lasoo qabtay ay xiran yihiin ayna mari doonaan ciqaabta dambiga ay galeen, waxa uuna ciidamada amaanka ku booriyay in ay sii wadaan howlgalada burcada lagula dagaalamayo.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa kusoo batay burcad hubeesan oo dadka dhac u geesta, waxaana burcadan qaarkood ay xiran yihiin dareeska ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -