Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab iyo Agab (Sawirro)

Ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Danab gaar ahaan hurinta gaadiidka gaashaman ee MU, ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warantay in ciidamada Danab gacanta ku dhigeen labo xubnood oo katirsan Al Shabaab ,waxa ay sidoo kale sheegeen in ciidamada burburiyeen goob Al Shabaab dadka ku marin habaabin jireen.

Ciidamada Danab ayaa xarunta ay tageen ee kuyaalla Deegaanka Lafoole waxa ay kasoo heleen agab kala duwan ay ku jireen , Baasabooro badan ,Cajalado DVD, Bugaag iyo kaydiyaal kale .

Saraakiisha ciidamada howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in raga la qabtay loo gudbiyay xabsi laguna sameyn doono baaritaano dheeraad ah, waxa ayna saraakiisha xuseen in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Ciidamada kumanadooska Soomaaliya ee Danab, ayaa mararka qaar ka fuliya gobolada Shabeelooyinka iyo Jubbada Hoose howlgalo gaar ah, waxa ayna ciidamada marar badan sheegeen in gacanta ku dhigeen xubno katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Toogasho dad badan lagu laayey oo ka dhacday Maraykanka & Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Bam caawa lagu weeraray Bar Kontrol oo ciidamada amnigu ku leeyihiin Muqdisho

Caydiid Ali

Bandhiga Todobaadka Injineerka oo ka furmay Xarunta Jaamacadda Benadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---