Buundada ugu weyn Dunida ee Badda dusheeda marta oo la dhisay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa si rasmi ah u furay buundada ugu dheer adduunka ee kormarta bada, waxaana munaasabada xarig jartay ka dhacday magaalada  Zhuhai .

Buundada ugu weyn Dunida ee dusha ka marta Badda ayaa laga dhisay Hong Kogn, waxaana dhismaha buundadad ku baxday 20 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, waxaana dhismaha buundadan socotay sagaal sano.

Buundadan Badda dusheeda marta ayaa dhererkeedu yahay 55 km oo qayba ka mid ah badda hoosteeda la mariyey, waxaana buundadan isku xireysaa Hong Kong ilaa dal weynaha Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -