Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Qaraxyo lagu hoobtay oo ka dhacay Muqdisho

Dad badan ayaa ku dhintay labo qarax oo nooca miinada dhulka la geliyo ah oo galabta casar gabaadkii ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaan ayaa ka dhacay wado dalcad ah oo dhalinyaradu ay isku sawiraan xiliyada galabtii ah.

Labada qarax oo ay muddo dhexeysay muddo daqiiqado ah ayaa loo adeegsaday miinooyin lagu aasay wadada dhinaceeda

Goob joogayaal ayaa sheegaya in meydad laamiga daadsan iyo dhaawacyo lagu qaadayo gaadiidka ambalaasta iyo mooto Bajaajyo

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyada ka dhacay laamiga dalcada degmada Kaxda.

Laamaha amaanka dowlada Somalia ayaa goobta gaaray kuwaas oo baaritaano ku bilaabay meesha uu qaraxu ka dhacay.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Related posts

Madaxweynaha Somalia oo tacsi u diray Muslimiintii New Zealand lagu gumaaday

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in howlgal lagu dilay in ka badan 50-xubnood oo Shabaab ah

Cabdi Cade

Weeraro Al-Shabaab ka fulin rabtay Magaalada Addis ababa oo la fashiliyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---