Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo wareegto ku Magacaabay xil cusub

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Taliye cusub u magacaabay saldhiga Booliska degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Dhamme Cabdi Shiikh Ciise (Cabdi Kumi) ayaa loo magacabay Taliyaha saldhiga Boliiska Boondheere ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska taliye Xijaar,

Cabdi Kumi ayaa bedelaya Taliyihii hore ee Saldhiga Najiib Carab oo shalay laga qaaday xilka ka dib markii askari ka tirsan ciidankiisa uu dilay labo qof oo shacab ah, taasoo sababtay banaanbaxyo rabshado watay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

TALIYAHA CUSUB EE SALDHIGA BOONDHEERE DHAMME CABDI KUMMI

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in agaasimihii Isbitaalka Madiina uu ka hor yimid inuu xilka wareejiyo?

Caydiid Ali

Xamse Barre oo u sheegay hal arrin oo looga fadhiyo Mustaf Dhuxulow

Cabdi Cade

Jubbaland oo Mowqifkeeda Khilaafka Farmaajo iyo Rooble cadeesay lana safatay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---