Allbanaadir.com
NEWS

Shiinaha oo ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta haddii Mareykanka xiraan Tiktok

Aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa meel mariyay sharci horseedi kara in gabi ahaan dalka Mareykanka laga mamnuuco isticmaalka barta Tiktok, oo ay ku xiran yihiin malaayiin dadka Mareykanka ah.

Dowladda Shiinaha ayaana si adag uga digtay go’aanka dowladda Mareykanka ku dooneyso in dalkeeda uga mamnuucdo isticmaalka barta Tiktok, oo dowladda Mareykanka aaminsan tahay shirkadda iska leh in xiriir dhaw la leedahay madaxda Shiinaha.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda dowladda Shiinaha oo lagu magacaabo Wang Wenbin ayaa tillaabada Mareykanka ee Tiktok ka dhanka ah ku tilmaamay handadaad cad oo suuqa looga saarayo shirkadda Shiinaha.

Waxa uu sheegay afhayeenkan u hadlay dowladda Shiinaha haddii dowladda Mareykanka dalkeeda ka mamnuucdo barta Tiktok ka dhalan doonto cawaaqib xumo uusan faah faahin waxa ay noqon doonto.

Mareykanka ayaana ku cadaadinaya shirkadda iska leh Tiktok ee ByteDance in saamigeyda ka iibiso Mareykanka haddii kale laga mamnuuci doono in gudaha Mareykanka laga isticmaalo bartaasi dadka badan ku xiran yihiin.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Fariin Muhiim ah oo ku socota Madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Guddiga Amniga Muqdisho oo caawa digniin adag soo saaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Somalia oo sheegtay in 80 Al-Shabaab ah lagu laayey degaanka Shabeelow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---