Allbanaadir.com
NEWS

Hotelo ku yaalla Magaaloyinka Hargeysa iyo Burco oo la xiray iyo Sababta ka dambeysa

Ciidamada Somaliland ayaa xalay illaa maanta waday howlgallo looga hortegayo xuska iyo dabaaldegyada loo sameynayo sanadka cusub ee 2018ka oo xalay bilowday.

Booliska ayaa galay Hotello qaarkood lagu dhigi rabay munaasabado sanadka cusub loogu dabaaldegayo kuwaasoo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Booliska ayaa sidoo kale kala eryey dhalinyaro isu diyaarinayay Munaasabada oo ku sugnaa hotelada ay galeen, iyagoo qaarkood jirdil u geystay markii ay ka madax adaygeen iney goobta ka tagaan.

Magaalada Burco ayey sidoo kale ciidamadu ka sameeyeen howlgal ay ku qabqabteen dhalinyaro ka qeyb qaadaneysay xuska sanadka cusub ee 2018-ka iyagoo albaabada isugu dhuftay Hotello.

Tallaabadan ay qaadeen ciidamada Booliiska Somaliland ayaa ka dambeysay amar ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland oo dadka uga digtay iney sameeyaan xaflado loogu dabaaldegayo sanadka cusub.

Culimada Somaliland ayaa iyana Masaajidada iyo qalabka warbaahinta shacabka ku baraarujiyey ineysan ka qaadan xuska sanadka cusub oo ay sheegeen inuu yahay dhaqan khilaafsan shareecada Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fardowso Qanyare oo nuqul kamid ah Warqadaha Danjirenimo gudbisay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dabageed: “Aniga & Cali Guudlaawe isma khilaafsanin, kuraas dad loo xiraana ma jiraan’

Caydiid Ali

Ciidamo cusub oo soo galay magaalada Dhuusomareeb iyo Ahlu Sunna oo abaabul wada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---