Ciidamo cusub oo soo galay magaalada Dhuusomareeb iyo Ahlu Sunna oo abaabul wada

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in magaaladaasi soo galeen ciidamo daacad u ah kooxda Ahlu Sunna oo ka yimid deegaano katiran gobolka Galgaduud.

Ciidamada kooxda Ahlu sunna soo galisay magaalada Dhuusomareeb ayaa la sheegay in badankood ay ka yimaadeen magaalada Guriceel iyo deegaano kale oo hoostaga magaalada Dhuusomareeb .

Kooxda Ahlu Sunna ayaa dooneysa in mar kale la wareegto gacan ku heynta amaanka magaalada Dhuusomareeb oo hada gacantooda ka baxay, waxaana magaalada amaankeeda la wareegay ciidamo dowlada federaalka ka amar qaata.

Sida aan wararka ku helnay Hogaanka Ahlu Sunna ayaa doonaya in dib u hantiyaan awoodii iyo saameyntii ay ku lahaayeen Dhuusomareeb, waxa ayna doonayaan in ciidamo beeleed ka amar qaata ku qal qal galiyaan amaanka magaalada.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa shalay war qoraal ah soo saartay  ku eedeesay dowlada federaalka oo ay sheegtay in ay ka baxday heshiisyo horey u galeen, waxa ay sidoo kale Ahlu sunna ka digtay in ciidamo kasocda AMISOM la keeno magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamo isugu jira milatari, booliis iyo Nabad sugida ka amar qaata dowlada federaalka ayaa hada si buuxda gacanta ugu haya amaanka goobaha muhiimka ah ee Dhuusomareeb sida xarumaha maamulka , garoonka iyo halka lagu qabanayo shirka Dib u heshiisiinta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -