Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dabageed: “Aniga & Cali Guudlaawe isma khilaafsanin, kuraas dad loo xiraana ma jiraan’

Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yusuf Ahmed Hagar Dabageed ayaa beeniyey eedo loo soo jeediyey oo ku aadan inuu madaxtooyada dowlada Soomaaliya kala shaqeynaayo sidii dad gaar ah oo ay wadato loogu xiri lahaa kuraasta qaar.

Jawaabta Dabageed ayaa timid iyadoo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe uu dhowaan sheegay in doorashada si furan loogu tartamayo, aysana jirin musharaxiin kuraas loo xirayo, waxayna arrintaas sababtay sida wararku sheegayaan iney iska hor yimaadaan dabageed oo ah Ku-xigeenkiisa, kaasoo doonaya in kuraasta qaar loo xiro musharaxiin uu Dano gaar ah ka leeyahay iyo qaar ay wadato Somalia.

“Aniga iyo Madaxweynaha HIrshabelle hal sano iyo bar ayaan isla shaqeynaynay isma khilaafin, kuraas dad loo xiraa ma jiraan wararkaasna waa been abuur iyo bajaa iyo bajaa aan waxba ka jirin, dadka war xumo tashiilka wareejinayaa waxaan leenahay raali ahaada” ayuu yiri Dabageed.

Dabageed ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Guudlaawe ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble, hase ahaatee been abuur yihiin wararka sheegaya in isaga iyo Cali Guudlaawe ay isku dhacsan yihiin.

“Musharaxiinta Baladweyne joogta waxaan u sheegnay ineysan jirin cid kursi loo xiraa, kuraasta dhimana loogu tartami doono i furan, anaguna waa balan-qaadeynaa arrintaas” ayuu yiri Dabageed oo la hadlayey idaacada VOA.

 

Related posts

Masuuliyiintii lagu waayay Dambiga Musuqmaasuqa oo xabsiga laga sii daayay

Cabdi Cade

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo gaaray Jowhar (Ujeedka)

Caydiid Ali

Xamse Barre oo Sheegay in ciidanka Xoogga hub casri ah lagu qalabeenayo si ay uga…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---