Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in lala xisaabtamo ciidamada Israel

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Hawlaha Qaramada Midoobay ee Falastiin (UNRWA) Philippe Lazzarini ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo weerarrada ka dhanka ah xarumaha Qaramada Midoobay ee ay geysaneyso Israel, isagoo carrabka ku adkeeyay “baahida loo qabo isla xisaabtan”

Baaqiisa ayaa imaanaya kadib weerar ay Israa’iil ku dishay shan Falastiiniyiin ah ayna ku dhaawacmeen 22 kale oo ka dhacay xarun cunto lagu qeybiyo oo ku taal Rafah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay UNRWA.

Ugu yaraan hal qof oo ka tirsan shaqaalaha UNRWA ayaa ka mid ahaa dadka la dilay, ayaa lagu yiri bayaanka.

“Weerarka maanta lagu qaaday mid ka mid ah xarumaha aad ka u yar ee haray ee UNRWA qaybinta ee Marinka Gaza wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo sahaydii cuntadu ay gabaabsi tahay, gaajaduna ay baahsan tahay, meelaha qaarna ay isu beddeshay macaluul,” ayuu yiri Lazzarini.

Waxa uu sheegay in isku-duwayaasha dhammaan xarumaha UNRWA ee ku yaalla marinka Qaza ay la wadaagaan “dhinacyada colaadda.”

Related posts

Maxay salka ku hayaan Dibed-baxyada Maalintii 4aad ka socda dalka Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali

Olaf Scholz oo codka kalsoonida weydiisanaya Baarlamaanka kaddib burbur soo…

Cabdi Cade

Diyaarad Abuu Mansuur kasoo qaadeysa Baydhabo oo goordhaw Muqdisho ka duushay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---