Maxay salka ku hayaan Dibed-baxyada Maalintii 4aad ka socda dalka Itoobiya (Sawirro)

Golaha wasiirrada Itoobiya ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay sidi xal ooga heli lahaa mudaharaadyo ka soo cusboonaaday dalkaas qeybo ka mid ah, iyadoo la dhisay guddi heer qaran ah oo xalliyo khilaafka dhulka ee u dhaxeeya maamulka Addis Ababa iyo Degaanka Oromada.

Mudaharaadyadan oo ay wadaan qowmiyadda Oromada ayaa maalintiisa afaard ka socda dalkaasi, isagoo Arbacdii ka billowday magaalada Addis Ababa kuna sii fiday dalka intiisa kale.

Magaalooyinka ay ka socdaan Mudaharaadada xooggan waxaa ka mid ah Amb, Naqamte, Adaama, Asala, Gobba, Shaashamane, Roobee iyo magaalooyin kale oo qowmiyada oromadu degto.

Qowmiyadda Oromada ayaa ka cabanaya in guryo laga dhisay dhul beereed ay qowmiyadda Oromada laheyd aysan xaq u laheyn iney la wadaagaan dadka kale ee Itoobiyaanka ah ee ku nool caasimadda.

Duqa magaalada Addis Ababa Ing. Takele Kuma oo ka jawaabaya cabashada dadka mudaharaadaya ayaa sheegay in guriyaha laga dhisay dhul uu maamulo maamulka magaalada Addis Ababa, dhamaan shucuubta Itoobiya ee ku nool magaaladana ay xaq u leeyihiin iney ka wada faa’ideystaan.

Dibed-baxa ugu weyn ayaa beri la filayaa inuu ka dhaco fagaaraha weyn ee Abiyot oo ku yaalla bartamaha magaalada Addis Ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -