Allbanaadir.com
NEWS

Qarax caawa ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Qarax xoogan ayaa caawa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Meelo badan oo ka mid ah magaalada ayaa la soo sheegayaa in laga maqlay qaraxan oo ka dhacay wadada isku xirta Fagax iyo Ex Konrol Balcad ee degmada Yaaqshiid.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay, welima ma cadda cida lala beegsaday inkastoo dadka degaanku sheegayaan in qaraxu dhacay wax yar ka dib markii ay halkaas mareen gaadiid ay wateen ciidamada amaanka.

Laamaha amaanka dowlada ayaa sheegay in qaraxaas uusan geysan wax Khasaare ah, faahfaahin intaas ka badana kama bixin.

Qaraxan ayaa ku soo beegmay xili la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta gashay maalintii 3aad, iyadoo kooxda Al shabaab looga bartay iney xoojiyaan weerarada xiliga bisha Ramadaan.

Related posts

Aadan Madoobe oo shir xasaasi ah la qaatay James Swan

Caydiid Ali

Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka oo ku gacan seyrtay dacwad ka timid Trump

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---