Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo diyaariyay sharci adag oo lagu ciqaabayo Ruushka

Russia iyo dal walba oo la ganacsada, Maraykanku wuxuu ku soo rogi doonaa canshuur ah 500%.

Sharcigan waxaa ka soo shaqeeyey Senator Lindsey Graham. Haddii sharcigan la ansixiyo waxaa dunida ka dhici doonaa xanuun-dhaqaale oo aan wali hore loo arag.

Sharcigan magaciisu waa “Sanctioning Russia Act”. Haddiise Russia ay u nuglaato wadahadalka ay la leedahay Ukraine, sharcigan waxaa la galin doonaa hakin.

Sharcigan wuxuu ciqaabi doonaa Russia, dalalka la ganacsada Russia iyo kambaniyada Maraykanka ah laftooda haddii ay ganacsi xaaraan ah la samaystaan Russia ama dalalka la ganacsada Russia. Dal walba oo America u soo dira alaab ama hawl isaga oo og iibsha, keena, kala gudbiya ama iibsada saliidda, Uranium-ka, gaaska dabiiciga ah, alaabta laga sameeyo petroolka ama waxa laga sameeyo dawooyinka, alaabtaas oo awal laga soo diray Russia waxaa la dul-dhigi doonaa canshuur aan ka yarayn 500%.

Dalalka qaar, canshuurtaa waxaa kor loogu dallici karaa 1,000% saddex bilood gudahood.

Duullaankii Russia ay ku qaadday Ukraine, Maraykanka iyo xulufadiisa waxay Russia dul-dhigeen 16,000 cunaqabataymood oo kala duwan. Waxaana la qabtay hantidii Russia u taallay dalalka dibadaha. Sidaa oo ay tahay, Russia wali lama aysan dhutin ciqaabtaa.

Russia waxay sii marin jirtay waxa ay iibinayso dalal kale oo sii iibin jiray. Waxayna u badnaayeen xulafada Maraykanka. 2024, Maraykanka waxaa loo soo dhoofiyey uranium la soo bacrimiyey oo qiimeheedu tahay $624 million. Alaabtaa oo asal ahaan laga keenay Russia. Xataa saliidda qaar oo uu Maraykanku dibadda looga keeno waxaa asal ahaan lahaa Russia, laakiin dal saddexaad baa la soo mariyey.

Dalalka sharcigan cusub uu qaban doono waxaa ka mid ah Israa’iil oo sanadkii hore ee 2024 Maraykanka soo galisay bacaha asal ahaan Russia laga soo diray oo qiimaheedu ahaa $10.6 million. Taiwan baa faa’iido badan ku qabta waxyaabo badan oo difaaca ku saabsan oo uu Maraykanku isticmaalo. Asal ahaanna laga soo diray Russia. Kambanigaa magaciisu waa naphtha. Waana waxyaabaha ka soo hara samaynta petroolka oo laga sameeyo bacaha.

Sida sharcigan tilmaamayo, Israa’iil iyo Taiwan oo saaxiib dhaw la ah Maraykanka waxay dhibbane u noqon doonaan sharcigan. Japan ayaa Maraykanka u soo dhoofisay gaas dabiici ah oo dareere ah (LNG) qiimihiisuna ahaa $3.6 million. Boqollaal kun oo doollar oo baco iyo bambiiro qiimahoodu yahay ayey Japan keentay Maraykanka. Alaabtaa waxaa lahaa Russia. Waana sanadkii hore ee 2024 kaliya.

2024, Midawga Europe wuxuu Russia ka helay gaas dabiici ah LNG. Waa koror 19.3% marka loo eego 2023. 15 maalmood ee ugu dambeeyey, dalalka Midawga Europe waxay Russia ka soo dhoofsadeen 837,000 metric tons oo gaaska Russia ah. Dalalka ugu badan ee iibsaday waxaa ka mid ah Germany, France, Belgium, iyo Spain.

Sida laga soo xigtay Trade Data Monitor, Ukraine ayaaba 2024 Russia ka keensatay alaabta laga soo saaro petroolka oo qiimaheedu ahaa $200,000. Ukraine waxay kaloo caan ku tahay, inay fududayso inay gaaska Russia u gudbiso Europe iyada oo isticmaalaysa dhuumaheeda trans-national.

 

Related posts

Agaasimaha Sirdoonka Mareykanka CIA oo Muqdisho soo gaaray, lana kulmay..

Caydiid Ali

MUQDISHO: Qiimaha Gaaska cuntada oo sare u kac weyn sameeyey

Caydiid Ali

Duufaan xoogan oo kusoo wajahan dalal ay ku jirto Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---