Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Diyaarad Abuu Mansuur kasoo qaadeysa Baydhabo oo goordhaw Muqdisho ka duushay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ka duushay diyaarad gaar ah oo loogu tala galay in Baydhabo looga soo qaado Musharax Mukhtaar Roobow oo Baydhabo lagu xiray.

Diyaarada oo ah nuuca yar yar ayaa saacad kadib la filayaa in ay gaarto magaalada Baydhabo, waxaana diyaarada magaalada Muqdisho usoo qaadeysa Abuu Mansuur oo Maxbuus ah.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in iyadu ka dambeesay xariga maanta magaalada Baydhabo ugu geesteen ciidamo Itoobiyaan ah, waxa ayna Dowlada Abuu Mansuur qaab qasab ah ugu soo qaadeysaa Muqdisho.

Lama oga in dowlada ay Xabsi dhigi doonto Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur marka la keeno Muqdisho iyo in kale, waxa ayna dowlada horey uga dalbatay Abuu Mansuur in uu isaga haro doorashada balse ka biyo diiday.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Warrakayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Kenya oo Madaafiic ku garaacay Balad Xaawo iyo Ciidamo badan oo xadka lasoo dhoobay 

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay Muqdisho iyo halka uu ku sii jeedo

Caydiid Ali

Iska horimaad dhax maray Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ku sugan Xuduuda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---