Allbanaadir.com
NEWS

Olaf Scholz oo codka kalsoonida weydiisanaya Baarlamaanka kaddib burbur soo…

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholz, ayaa Axaddii shalay sheegay, in uu baarlamaanka weydiisan doono codka kalsoonida ka hor inta aanan la gaarin dhammaadka bisha December ee sannadkan 2024.

Tallaabadaas ayaa waddada u xaari doonta in Jarmalka laga qabto doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay. Arrintan waxay ka danbeysay kaddib marki uu burburay isbaheysigi saddex-geesoodka ahaa ee ay ku tiirsaneyd xukuumadda Scholz.

Dalka Jarmalka oo ah waddanka ugu dhaqaalaha wanaagsan Yurub ayaa todobaadki hore galay qalalaaso siyaasadeed, kaddib marki isbaheysiga ay ka koobneyd xukuumadda uu isku qilaafay, cadadka lacagaha ay dowladda ku taageryso Ukraine, iyo inta ay xukumadda ku kharja-gareyn karto dhiirigelinta koboca dhaqaalaha.

Scholz ayaa horay u sheegay in codka kalsoonida baarlamaanka ee xukuumaddiisu la qorsheeyay 15-ka January, isla markaana doorashada xilliga hore ay dhici doonto bisha March, hase yeeshee wuxu uu taariikhdaasi baddalay oo uu soo hormariyay kaddib marki uu caddied kala kulmay axaasbta mucaaridka ee dhinica midigta u janjeera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo lagu celiyey mid ka mid ah Musharaxiintii uu u Magacaabay Aqalka sare

Caydiid Ali

Dhallinyaro Falal amniga lidi ah ka waday Muqdisho oo la xiray iyo magacyadooda oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Wiilka Museveni oo ku hanjabay in uu weerari doono Kenya haddii aysan raaligelin siin !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---