Booliska Jubbaland oo gacanta ugu dhigay nin horey isugu dhiibay kooxda Al Shabaab

Ciidanka Booliska degmada Dhoobley oo howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay xaafadaha degmada ayaa gacanta kusoo dhigay Xasan Ibraahim oo horay ugu biiray kooxda Al-shabaab.

Ninkan ka tirsanaa Al shabaab ayay muddaba daba socdeen laamaha ammaanka Jubbaland, isagoo hadba deegaan gabaadsanayay, ugu dambeyna waxaa suuro gashay in ciidamada Booliska Jubbaland ay gacanta ku soo dhigaan.

Xasan Ibraahim iyo labo nin oo kale ayaa horay Maamulka Jubbaland ugala baxsaday gaari Land Cruiser Hardtop ah, waxayna la galeen al shabaab sida ay sheegeen saraakiisha.

Laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegaya in iyagoo kaashanaya sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ay horay ugu suuragashay inay magaalada Muqdisho kasoo qabtaan labadii kale oo hadda ku xiran magaalada Kismaayo.

- Advertisement -