Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Mahad Salad oo la afuray ciidamo ku sugan Kontrolada Muqdisho (Sawirro)

Agaasimaha heyadda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA Mahad Salaad Maxamed ayaa galabta illaa caawa kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Talaabadan oo ah mid dhif iyo naadir ah oo aan looga baran taliyeyaasha NISA ayuu Mahad Salaad ku booqday Degmooyinka Yaaqshiid ,Heliwaa iyo Kaaraan.

Taliyaha oo ay la socdeen xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo saraakiil kale ayaa maalinta 1aad ee Ramadaan la afuray Saraakiisha iyo Askarta ku howlan sugida amniga caasimada ee ku sugan degmooyinkan.

Mahad Salaad ayaa bogaadiyey shaqada adag ee ay hayaan ciidamada amaanka isagoo kula dardaarmay iney sii xoojiyaan howlaha sugida amaanka.

Kormeerkan ayaa ku soo aaday xili la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta bilaabatay, iyadoo bishan oo kale looga bartay kooxda Al-shabaab iney xoojiyaan weerarada ay ka geystaan Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ka mid ah.

Amaanka caasimada Somalia ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa si weyn u soo hagaagay mudooyinkan tan iyo markii uu Taliye Mahad Salaad la wareegay xilka agaasimaha NISA

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Fanaanad la xiray kaddib markii ay wax ka sheegtay Dugsiyo uu Erdogan wax kusoo bartay

Cabdi Cade

Axmed Safiina: “Haddii kooramku buuxsamo waan qabaneynaa doorashada Madaxweynaha”

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo la kulmay Masuul sare oo katirsan Shirkadda DP World

Cabdi Cade
Taboola Ads ---