Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dilal maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan ayaa duhurnimadii maanta xaafada Sanca ee degmada Kaaraan waxa ay gaadmo ku dileen labo askari oo katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxaha hubeesan toogteen labada askari oo la sheegay in xiligaasi wateen labo qoray, waxaana dilka kadib goobtaasi ka baxsaday ragii dilka fuliyay.

Ciidamo katirsan booliiska dowlada Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada booliiska halkaasi ka qaadeen meydadka labada askari ee goobtaasi lagu dilay.

Dilalka loo geesto ciidamada hubeesan ayaa aad ugu yaraa mudooyinkii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho, waxaana goobjoogayaal sheegeen in askartan maanta xiligii la dilayay aysan feejigneen lana gaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo ciidamo booliis ah u dirtay Dal ka baxsan Qaarada Afrika oo amni darro ka jirto

Cabdi Cade

Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka furmay Magaalada Istanbul (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo kulamo gaar ah la qaatay wakiilo ka socday, Midowga Yurub & QM (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---