Aabbe waayeel ah oo dil argagax leh ka geestay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Aabbe waayeel ah oo da’diisa lagu qiyaasay 70-sanno jir ayaa xalay xaafad katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay wiil uu dhalay, kaddib muran la sheegay in uu soo kala dhax galay aabaha iyo wiilkiisa.

Sida aan wararka ku helnay aabaha dilka geestay oo magaciisa lagu soo koobay Gadaf ayaa rasaas la dhacay wiilkiisa oo isna magaciisa lagu sheegay Maxamed, waxaana dilka kaddib goobta ka baxsaday aabaha dilka geestay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dilka ka dhashay khilaaf muddooyinkan soo jiray oo u dhaxeeyay aabaha iyo wiilka uu dhalay, waxaana wararka sheegayaan in wiilka la dilay uu toorey usoo qaatay aabihiis sidaasna uu odayga u toogtay wiilkiisa.

Aabaha dilka u geestay wiilkiisa ayaa la sheegay in uu isaga tagay goobta uu dilka ka geestay, waxaana guriga falka ka dhacay gaaray ciidanka booliiska saldhigga degmada Kaaraan ,kuwaa oo meydka meesha ka qaaday baarisna bilaabay.

Dilalka ay isku geesanayaan qoysaska Soomaaliyeed dhaxdooda ayaa muddooyinkan kusoo badanaya Soomaaliya, maalmo kahor ayaana nin askari ahaa aabihiis ku dilay deegaan katirsan gobolka Sanaag ee Somaliland .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -