Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Xamse Barre oo xariga ka jaray Xarun cusub oo qayb ka qaadanaysa..

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray Xarun cusub oo qayb ka qaadanaysa ka hortagga isbeddelka cimillada iyo nabaadguurka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dadaalka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ee la xiriira sidii loo heli lahaa Soomaaliya cagaaran oo ka guuleysata saameynta ay isbeddelka cimilladu ku yeelatay deegaanka.

Mashruucan oo qeyb ka ah hirgelinta hal abuurkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee la xiriiray Soomaaliya Cagaaran iyo beerista 10, milyan oo Geed, ayaa waxaa hirgelinteeda iska kaashaday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada iyo Shirkadda ka hortagga abaaraha, horumarinta deegaanka iyo duurjoogta ee Afrika (ADILP)

Saaka ayey aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre uu ka sameeyey Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga howlo isugu jira daah-fur, xarig-jar iyo dhagaxdhig.

Related posts

Maxay tahay danta Siyaasadeed ee Deni ugu jirta wax ka bedelka dastuurka Puntland?

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Geelle iyo Shiikh Shariif? (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo ka hortimid sharciga Batroolka ee uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---