Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Geelle iyo Shiikh Shariif? (Sawirro)

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Shiikh Axmed ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay kulankan Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyas Ali Hassan iyo Ambassador Abdirasaq Ahmed Mohamud (Shoole) oo ka tirsan hogaanka Xisbiga.

Kulankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid wada tashi ah, Dowlada Jabuuti kama hadlin balse qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay Shiikh Shariif ayuu kulankan faahfaahin kooban kaga bixiyey kaasoo sidan u qornaa:-

“Waxaan soo gaarnay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, iyada oo aan kulan gaar ah la qaadannay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb Aadan Xasan Aadan.

Waxaa kulanka igu wehliyay Xoghayaha arrimaha dibadda Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Danjire Cabdirisaaq Shoolle oo kamid ah xubnaha sare ee Xisbiga.

Waxaan ka wada hadalnay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka innaga oo warbixinna ka siinnay aragtida Himilo Qaran ee dhismaha dowladnimada iyo doorashada la filayo 2020/2021.

Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti madax iyo shacab waxaan uga mahad celinaynaa markasta doorkooda muuqda ee dib u dhiskii dowladnimadii naga burburtay”

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -