Puntland oo ka hortimid sharciga Batroolka ee uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay sharciga batroolka ee uu dhowaan saxiixay madaxweynaha Somalia ka dib markii ay soo maray golaha xukuumada iyo labada gole ee baarlamanka Somalia.

War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo nuqul ka mid ah loo soo diray Shabakada Allbanaadir Online ayey Puntland ku sheegtay in sharcigaas uu yahay mid khilaafsan dastuurka KMG ah ee Somalia, isla markaana aan iyaga lagala tashan.

Puntland ayaa ugu baaqday shirkadaha batroolka ee caalamka iney ka fogaadaan sharciga uu Madaxweyne farmaajo saxiixay oo ay sheegeen inuu yahay mid sharci daro ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -