Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Soomaaliyeed oo fududeeyay adeeg ay u baahnaayeen Soomaalida Kenya

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ku wargalinayaa in ay Safaarada Soomaliya ee Nairobi ka heli karaan, adeegga warqada dembi la’aanta iyo mida asluub wanaagga.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in dedaalo muddo socday kaddib ay suurto gashay waxii ka bilowda maalinta Isniinta ah 11 March 2024 warqada dambi la’aanta laga qaadan doono magaalada Nairobi.

”Hoggaanka baarista dembiyada ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed (CID), oo xafiis ku leh safaarada, ayaa qabanaya shaqadaas oo laga maarmaan u ah ummadda Soomaaliyeed in muddo ahna ay dadkeenu ku dhibanaayeen helisteeda” ayaa lagu yiri qoraalka booliiska.

Taliska ciidanka booliiska ayaa sidoo kale sheegay in ay qorsheynayaan in xafiisyo kale laga furo safaaradaha Soomaali ee dalka dibadiisa ah, oo ay ummadu ku dhibantahay si muwadiniinta u helaan adeegga warqada dambi la’aanta iyo asluub wannaaga.

Dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya iyo dalalka kale ee caalamka ayaa dhibaato badan ku qabay helitaanka warqada dambi la’aanta ee CID-da Soomaaliya bixiso, waxa ayna dadkaasi ku qasbanaayeen in Soomaaliya ka dalbadaan ayna bixiyaan lacag badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney ajnabi ah oo caawa iska soo tuurtay dabaqa sare ee hotel ku yaalla Garowe

Caydiid Ali

Golaha Midowga Murashaxiinta oo si kulul uga hadlay rasaas lagu riday dibed-baxayaal

Caydiid Ali

(Sawirro) Boliska Muqdisho oo howlgalo ku soo qabtay burcad dhac geysaneysay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---