Allbanaadir.com
NEWS

Khudbadii Madaxweyne Farmaajo oo lagu tilmaamay Ismoogaysiis iyo Ila Meereyso !!

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay khudbad lawada sugayay telefishinka Qaranka Soomaaliya usoo marsiiyay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in khudbada Farmaajo u badneed isnmoogaysiis iyo ila meereyso, waxa uuna xusay in uusan ka hadlin dhibaatadii Muqdisho, waxa keenay iyo dadkii ku dhintay.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan Mahad Salaad uga hadlay

Ismoogaysiis iyo ila meerayso ayay ahayd khudbadii Farmaajo xalay jeediyay. Kumana soo hadalqaadin dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed iyo midka amni uu dalka geliyay. Tusaale:

 
1. Sooma hadalqaadin ku darsigii xaaraanta ahaa iyo xukun boobkii uu ku kacay 12-kii bishan Abriil 2021.
 
2. Kama garaabin, umana tacsiyeen shacabkii dhiigooda uu daadiyay, guryahoodana ka barakiciyay iyadoo bil Ramadaan lagu jiro.
 
3. Wuxuu iska indhotiray fidnada uu ka dhex abuuray ciidamada qalabka, isagoo kala qaybiyay kadibna qoryo isugu dhiibay. Mana jiro maanta askari askari kale aaminaya iyo sarkaal laga amar qaadanayo, qof walibana wuxuu miciin bidday qorigiisa iyo qabiilkiisa.
 
4. Sidoo kale ma sheegin sida xal loogu heli karo ismariwaaga siyaasadeed ee maanta taagan, kumana baaqin wadatashi iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo dalka lagu samatabixinayo.
 
5. Isku soo wada duuboo ujeedka Farmaajo wuxuu ahaa ii dheh siyaasadeed uu waqti ku iibsanayo si uu diyaar garoobo isla markaasna isaga yareeyo cadaadiska ciidan ee dulsaaran iyo goodiska beesha caalamka ku hayso.
 
Ugu dambeyntii waxaan ku baaqayaa inaan heeganka laga bixin inta ninkaan jid iyo jiho diidka ah dalka iyo dadka laga badbaadinayo. Lagana hubiynayo in dalku doorasho aaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamul cusub oo loo dhaariyey Kastamka Canshuuraha dekedda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar culus oo lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Abha iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Dahabshiil oo markii ugu horeesay Muqdisho keentay Gaadiid cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---