Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Deni oo si rasmi ah u shaaciyey inuu yahay musharax Madaxweynaha Somalia

Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa caawa shaacisay in Madaxweynaha maamulkaas uu yahay musharax u taagan doorashada Madaxweynaha Somalia.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa goor dhow arrintan ku shaaciyey hadal uu soo saaray.

“Madaxweyne Deni wuxuu u taaganyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waa hoggaamiye samata bixin kara dalkeena. Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan” ayuu yiri Afhayeen Xukuumadda Puntland Jaamac Dabarani.

Saciid Deni ayaa muddo dheer lagu xamanayey inuu isku diyaarinayo doorashada hogaanka ugu sareeya dalka, taasoo laga gartay sida uu maamulay doorashadii xubnaha labada aqal ee baarlamanka.

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili Puntland ay soo gebagebeysay shalay doorashada xildhibaanada ku metelaya golaha shacabka baarlamanka Somalia.

Related posts

RW Rooble: “Ciidamo gaar ah ayaa sugi doona ammaanka doorashada dalka”

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Kaamirooyinkii Dowlada ku xirtay Muqdisho oo saakay la qarxiyay

Cabdi Cade

Ciidamo cusub oo galabta lagu wareejiyay xarunta Dowlada Hoose ee Xamar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---