Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah dowladaha waaweyn ee caalamka oo magacii iska bedeshay

Dalka Hindiya oo ka mid ah dowladaha caalamka ayaa shaaciyey iney bedelayaan magacooda, ayna la baxayaan magac cusub.

Magaca Hindiya ayaa waxaa la isticmaalayay in ka badan 2 kun oo sano, iyadoo Qodobka koowaad ee dastuurka dalkaas uu dhigayo “Hindiya, taasoo ah, Bharat, waa midowga dowladaha.”

Inkasta oo magaca waddanku ahaa Bharat, Hindiya had iyo jeer waxay doorbidi jirtay qoraallada Ingiriisiga. Laakiin gudaha Hindiya, xukuumadda Narendra Modi ayaa beddeleysa dhaqankan.

Erayga Madaxweynaha Bharat ayaa loo adeegsaday martiqaadka shirka G-20. War saxaafadeed ku saabsan shir-madaxeedka ASEAN-India, Narendra Modi waxaa loogu yeeraa Ra’iisul Wasaaraha Bharat, ma aha Ra’iisul Wasaaraha Hindiya.

“Isticmaalka Bharat waa mawqif weyn oo ka soo horjeeda maskaxda gumeysiga,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Hindiya Dharmendra Pradhan.

Dowladda Hindiya ayaa ku doodeysa in magaca dalkaas oo loo beddelo Bharat ay la macno tahay in laga guuro gumeysigii Ingiriiska ee soo maray.

 

 

Related posts

Xildhibaannada golaha shacabka oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo soo saaray amar ka dhan ah Ciidamada ka jooga Soomaaliya

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Beenisay War kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika

Cabdi Cade