Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun culus ku riday Sayid-Cali Macalin Daa’uud

Maxkamadda G/Banaadir ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska uu eedeysanaha ka yahay Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu xaaskiisa gubay.

Waxaa hoolka maxkamada ku sugan ehelada Marxuumad Luul C/casiis iyo eedeysane Siid Cali, sidoo kale dadweyne fara badan oo kiiskan daneynaya ayaa jooga Maxkamada.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in ka dib markhaatiyaal iyo cadeymo la hor keenay Maxkamada lagu xukumay Sayid-cali Macalin Daa’uud dil toogasho ka dib markii lagu helay inuu si ulakac ah u gubay xaaskiisa.

Qareenada difaacayey eedeysanaha ayaa xukunka ka dib u sheegay warbaahinta iney racfaan ka qaateen xukunkan.

HOOS KA DAAWO XUKUNKA MAXKAMADA

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ciraaq oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali

IMF oo ku hanjabtay in aysan bixin doonin mushaarka ciidanka dowlada hadii doorashada …

Cabdi Cade

Doorashada kursiga HOP86 oo loo soo wareejiyey Muqdisho (Akhriso Jadwalka)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---