Mashaariic kala duwan oo laga hirgalinayo magaalada Baraawe oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa  Dhagax dhigay Dhowr Mashaariic oo kala Duwan oo laga hirgalinayo magaalada Baraawe ee caasimada maamulka Koonfur Galbeed.

Mashaariicdan maanta la dhagax dhigay ee laga dhisayo magaalada Baraawe ayaa waxaa kamid ah Garoonka kubada Cagta, Xarunta ay ku shiraan Bulshada, Buundooyinka Magaalada Baraawe iyo Xarumaha Dowlada.

Munaasabada Dhagax dhiga waxaa sido kale qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed,Wasiiro,Xildhibaano,Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Bahda Ciyaaraha Magaalada Baraawe ee Caasimada DGKGS.

Magaalada Baraawe ayaa ku magacaaban caasimada maamulka Koonfur Galbeed inkastoo uusan maamulka ku shaqeyn, waxaana dhawaan la filayaa in magaaladan ka dhacdo doorashada qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -