Shirkada Golaha Iskaashiga oo maanta ka furmaya Garawe iyo Qodobada looga hadli doono

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Garawe ee xarunta maamul goboleedka Puntland uu ka furmo shir ay yeelanayaan Golaha Iskaashiga dowlada Goboleedyada dalka oo hada ka kooban afar maamul .

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Madaxda maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, waxaana shirkan markii ugu horeeyay ka maqan maamulka Hirshabelle oo la heshiiyay dowlada Federaalka.

Sida aan Wararka ku heleyno shirkan ayaa looga hadli doonaa arimo kala duwan ay kamid yihiin khilaafka wali u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyda iyo sidoo kale arimaha amaanka.

Shirkan ayaa inta uu socdo la filayaa in Madaxda maamul goboleedyada qaarkood ku eedeeyaan dowlada Federaalka , waxaana gabo gabada shirka laga soo saari doonaa war murtiyeed ku saabsan waxii ay isku afgartaan maamulada shirsan.

Khilaafkii u dhaxeeyay maamulada dalka ka jira iyo dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wali taagan, waxaana horey maamulada u shaaciyeen in ay xiriirka u jareen dowlada Federaalka ay ku eedeeyeen faro galin iyo arimo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -