Wiilka Museveni oo ku hanjabay in uu weerari doono Kenya haddii aysan raaligelin siin !

General Muhoozi Kainerugaba oo ah Wiilka Curudka u ah Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa soo cusbooneysiiyey Hanjabaadiisa Shaqsiyadeed ee ku aadan inuu weerari doono, isla markaana qabsan doono Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Dhowr Qoraal oo Twitter ah ayuu xilligaasi ku cabsi geliyey dadka Kenyan-ka, isagoo xusay in muddo 2 isbuuc gudaheeda ay wada hoos imaan doonaan Jilbihiisa (tweets threatening to bring Kenya down to its knees in just two weeks).

Kadib, markii uu dhowr jeer Cabsi-gelintaasi soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu la kulmay Naqdin xooggan, iyadoo uu Madaxweyne Museveni ugu dambayntii General Muhoozi ka xayuubiyey Xilkii uu hayey ee ahaa Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda.

General Muhoozi ayaa mar kale u muuqda inuusan ka tanaasulin Qorshahii uu sanadkii hore ku sheegay inuu weerari doono Nairobi.

Qoraal cusub oo uu Gen Muhoozi Kainerugaba soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku yiri: “Waa hubaal inaan qabsan doonaa Nairobi, Aabahay wuu awooda inuu Xilka iga casilo”.

Gen Muhoozi Kainerugaba, haddana , mar kale ayuu fariimo dheeraad oo cabsi-gelin ah u diray dadka Reer Kenya, isagoo yiri: “Kenyanka waxaan uga baahanahay inay Raalli-gelin iga siiyaan garaacistii ay igu sameeyeen bilowgii sanadihii 1980-aadkii”.)

Waxaa laga soo xigtay General Muhoozi Kainerugaba inuu yiri: “Iyaga waxay u isticmaaleen inay i garaacaan, waayo waxaan ahaa Wiilka Museveni”.

Waxa kale oo uu tilmaamtay inuu la amakaagsan yahay sababta ay Kenyaanka isaga dhigayaan inuu Aabihiisa Museveni yahay Saaxiibka ugu Wanaagsan, xilli ay iyaga u isticmaaleen inay garaacaan muddadii uu Masaafuriska ku joogay Kenya.

Markii uu General Muhoozi cabsi-gelintaasi roobka uga dhigay dadka Kenyanka ayuu sheegay inuu u socdo inuu qabsado Kenya, maadaama ay isaga u tahay Nairobi magaalladii uu ku soo qoray .

General Muhoozi Kainerugaba oo 49 jir waxaa la sheegay inuu ku dhashay Caasimadda dalka Tanzania ee Darasalaam bishii April 23-dii ee sanadkii 1974-kii, balse uu ku soo barbaaray Caasimadda Kenya ee Nairobi.

“Waan qabsan doonaa Nairobi hubaashii, waa magaalladii aan ku dhashay, haddii uu qof kasta oo Kenyan ah isku dayo inuu iga ka hor joogsado waxa noqon doonaa Maraq, waxaana icabi doonaa Cashada”

Mar sii horeysay waxa uu Twitter-kiisa soo dhigay inuu noqon doono Madaxweynaha soo socda ee Jamhuuriyada Uganda wax kasta ha dhaceen.

“Waxaan noqon doonaa Madaxweynaha dalka, kadib Aabahay, kuwa u dagaalamayo Maahruuca wey lumen. Dhaqdhaqaaqa MK Movement waa guuleysan doonaa” ayuu yiri General Muhoozi.

Si kastaba ha ahaatee, Qoraallada uu General Muhoozi soo dhigo Bartiisa Twitter-ka, waxaa dhacda inii si degdeg ah u tirtiro ama u masaxo, marka laga keeno Qeylo-dhaan.

W/Q Ustaad Nuradin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -