Sidee dowladaha caalamku uga fal celiyeen xasuuqii shalay ka dhacay Gaza?

Ugu yaraan 140 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Qaza, ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen, xilli ay dadkaasi doonayeen inay cunto ka qaataan gaadiidka samafalka ee cuntada geeya marinka go’doonsan ee Qaza.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay hubinayaan “wararka is-khilaafsan” ee ka soo baxaya, sida weerarku u dhacay.

Afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magcaabo Olivia Dalton ayaa dhimashadan ku tilmaantay inay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco.

“Waa dhacdadii ugu dambaysay ee u baahan in la baaro” ayay u sheegtay weriyayaasha, xilli ay ku sugnayd diyaaradda madaxweyne Biden ee Air Force One, xilli madaxweynuhu u safrayey xuduudda Maraykanka iyo Mexico.

“Dhacdadani waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida loogu baahan yahay in la kordhiyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Qaza” ayey intaas ku dartay.

Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadeen meel ay dad badani ku sugan yihiin, oo ku taalla al-Nabusi. Goordambe ayaa wararku sheegeen, in ciidamada Israa’iil ay rasaaas ku fureen, dad doonayey inay daqiiq iyo raashinka qasacadaha ku jira kala degaan gaadiidka.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay ciidamadoodu rasaasta fureen, iyaga oo u maleeyey in dadka ku ordaya gaadiidka gargaarku inay halis iyaga ku yihiin.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa cambaareeyay xasuuqaas ka dhacay goob cunto gargaar ah oo ku taal Gaza

Turkiga ayaa ku biiray Sacuudiga, Masar iyo Urdun dhaleeceynta ciidamada Israa’iil ee rasaasta ku furay dadka reer Falastiin ee sugaya in la soo gaarsiiyo gargaar, iyadoo wasaaraddeeda arrimaha dibadda ay dhacdada ku tilmaantay “dambi kale oo ka dhan ah bini’aadantinimada”.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in in ka badan 140 qof ay ku dhinteen ugu yaraan 700 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Taas ayaa ka dhigaysa dhimashada Falastiin in ka badan 30,000 ee Marinka Gaza tan iyo markii dagaalka Israa’iil ee Xamaas uu bilowday ku dhawaad shan bilood ka

Amnesty waxa ay sheegtay in ay baarayso weerarkii dhimashada badnaa ee Israa’iil ay ku qaaday dad gargaar doon ah

Kooxda xuquuqda ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ay qasab tahay in “baaritaan degdeg ah” lagu sameeyo dhacdada, taasoo keentay dhimashada ugu yaraan 140 falastiiniyiin ah.

- Advertisement -