Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSPUNTLAND

(Sawirro) Fanaanka Sharma boy oo ku dhaawacmay shil gaari iyo dhimasho ka dhalatay

Gaari la sheegay iney la socdeen fanaaniin caan ah iyo dad kale ayaa la soo sheegayaa inuu shil ku galay duleedka magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Inkastoo faahfaahinta warkan ay weli soo baxeyso haddana Wararka qaar ayaa sheegaya in shilkan uu yimid ka dib markii uu wadada ka baxay gaariga oo xawaare sare ku socday, ka dibna iska daba rogmaday.

Waxaa shilkan dhimatay gabar ka mid aheyd dadkii la socday gaariga halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo uu ku jiro fanaanka caanka ah ee Sharma’arke Cabdinaasir (Sharma boy) oo gaariga waday sida wararku nagu soo gaarayaan.

Fanaanka iyo dadka kale ee dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Garoowe, waxaana goobta uu shilkan ka dhacay oo la yiraahdo degaanka Buura-wadal gaaray ciidamo iyo masuuliyiin.

Waxaa meesha ka baxay warar  horey u soo baxay oo sheegayey in fanaanka kale ee Malax Mideeye oo ay saaxiibo yihiin Sharma Boy uu isna dhaawac ka soo gaaray shilkaas, hase ahaatee allbanaadir online ayaa ogaatay in fanaankan uusanba la socon gaariga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal Siyaasadeed ka dhax bilowday Midowgii Musharaxiinta ee mar wada jiray !!

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada milatariga ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho

Cabdi Cade

Loolanka Cabdi Qeybdiid & Xaaf oo meel adag gaaray iyo Midowga Musharaxiinta oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---