Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia heyadda IFAD oo kala saxiixday heshiis faa’iido badan leh (Sawirro)

Wasiirada Maaliyadda, Beeraha, Qorsheynta,  Xanaanada Xoolaha ee Somalia oo ay wehliyaan Masuuliyiin kale ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Soomaaliya ee  Sanduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD).

Kulankan ayaa waxa lagu gorfeeyay heshiis lagu maalgelinayo horumarinta beeraha Soomaaliya, kaasoo uu maalgalinayo Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha IFAD.

Kulanka kadib Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiiska mashruuca maalgalinta horumarineed ee Beeraha Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa taageeri doona wax soo saarka Beeraha Dalka, oo hadii ay helaan maalgalin rasmi ah qeyb weyn ka qaadan doona sare u qaadidda dakhliga Dowladda.

Related posts

Muuse Biixi oo sidii Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Jabuuti (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xidig Muslim ah oo Isbitaal casri ah ka dhisaya Tuulada uu ku dhashay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka dowlada oo toogasho ku dilay nin ku hubeysnaa bam gacmeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---