Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo sidii Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Jabuuti (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi balaaran uu hogaaminayay ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliland waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Wasiiro katirsan Xukuumada Jabuuti.

Madaxweynaha  Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda Waddanka Jabuuti kulan nasasho ah kula qaatay qeybta VIP-da ee garoonka , waxaana Waftiga Madaxweynaha loo gelbiyey dhanka Hotelka Kempinski .

Soo dhaweynta magaalada Jabuuti loogu sameeyay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u dhigmay mid isla garoonkaasi loogu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Qoorqoor oo qaabilay wefdi ka socday hay’adda IOM

Cabdi Cade

Donald Trump oo kuxigeenkiisa usoo xushay Da’yar J.D. Vance

Cabdi Cade

Doorashada kursi ka banaanaa Golaha shacabka oo lagu qabtay Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---