Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidanka dowlada oo toogasho ku dilay nin ku hubeysnaa bam gacmeed

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Buur hakaba ee gobolka Bay ciidamada amaanka degmadaas ayaa maanta toogasho ku dilay nin watay bam gacmeed.

Ninkan ayaa la sheegay in ciidamadu ay rasaas ku fureen xili uu isku dayaayey in bamka uu ku weeraro guri uu degenaa masuul ka tirsan Maamulka degmadaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay markii hore rasaas digniin hawada u mariyeen ninkan oo bamka gacanta ku heystay iyagoo ku amray inuu dhigo bamka ka dibna is dhiibo, hase ahaatee ninkan ayaa ku gacan seyray isagoo ka dibna isku dayey inuu tuuro bamka taasoo keentay in la toogto.

Ninkan ayaa isla goobta ku dhintay isagoo aan tuurin bamka oo si amaan ah goobtaas looga qaaday markii dambe, waxaana dhacdadan maanta si weyn looga hadal hayaa degmada Buur hakaba.

Shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladu ay suuqa Bakaaraha ku dileen sadex nin oo bastoolado ku hubeysnaa iyo haweeney la sheegay iney gacan siineysay, kuwaasoo qorsheynayey dilka howlweadeen ka tirsan dowlada Somalia oo ku jiray Masaajid ku yaalla Suuqaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo dalab niyad jab abuuray hor dhigay shirka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Somalia & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya Malaayiin EURO

Caydiid Ali

Dowlada Federaalka oo si KMG ah u xirtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif

Cabdi Cade
Taboola Ads ---