RW Khayre oo kormeeray Wasaarada Maaliyada & Dekeda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyada iyo dekadda Muqdisho.
 
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xarunta wasaasaradda maaliyadda kulan kula yeeshay wasiiru dawlaha wasaarada ahna ku-simaha wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xayir Ibraahim, oo uga warbixiyay horumarradii ugu dambeeyay ee laga gaaray dakhli aruurinta iyo dardar-gelinta hawlaha dib-u-habaynta dhaqaalaha.
 
Ra’iisul wasaaraha XFS oo sidoo kale booqday qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho ayaa kulamo la qaatay maamulka sare ee dekadda iyo taliska booliiska oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
 
Kormeerka ayaa qeyb ka ah hannaanka kor-joogtaynta ee ra’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasiirradda xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, isla xisaabtanka joogtada ah iyo daah-furnaanta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -