Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay heshiiska ay la gashay C/rashiid Janan

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumada Somalia C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa shaaciyey C/rashiid Janan oo ahaa Wasiirkii amniga Jubbaland uu heshiis la gaaray DF.

Al-Cadaala ayaa ka mid ah wafdi ka socda DF oo Belad xaawo u tagay soo dhoweynta C/rashiid Janan oo maanta halkaas yimid.

Janan ayaa horey uga baxsaday xabsi ay gelisay DF iyadoo lo heystay dembiyo la xiriira xuquuqda aadanaha, wuxuuna muddo dagaal kula jiray DF.

Hoos ka akhriso qoraal uu soo saaray Wasiirka warfaafinta Somalia oo la xiriira arrinta Wasiir Janan.

“Wasiir Cabdirashiid Janan oo muhiim u ah nabadda gobalka Gedo ayaa heshiis lagaaray Dawladda Soomaaliya

Innaga oo ah wafdi ka socda DFS ayaan kula kulanay Wasiirka Duleedka Beledxaawo

Wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo Qarannimada iyo dedaal ay bixisay Dawladdu.

wasiirka waxaa wehliya Ciidamo badan kuwaas oo iyana ku biiriya Ciidanka Qaranka

Talaabadaan waa mid ka farxinaysa Qofkasta oo jecel Qarannimada Soomaaliya wuxuuna ka nixinayaa cidkasta oo cadaw ku ah Qarankeenna” sidaas waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdirahman Yusuf  Al-caddaala oo ka mid ah wafdiga dowladda Federaalka ee Baladxaawo ku soo dhoweeyay Cabdirashiid Janan”

Al-Cadaala

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -