Weerar lagu dilay Maamulayaal Iskuul oo caawa Muqdisho ka dhacay

Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ku dilay labo nin oo maamuleyaal ka ahaa iskuul ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo ka dhacay xaafada Buurka ee degmada Heliwaa ayaa waxaa lagu dilay Maamullaha Iskuulka Al-furaad Maxamed C/llaahi Xasan iyo ku-xigeenkiisa Max’uud Maxamed Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay horey u sii qaateen qalab ay wateen Maamulayaasha la dilay oo ay ka mid ahaayeen kombiyuutaro, Mobilo iyo waxyaabo kale.

Ciidamada booliska dowlada Somalia oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa halkaas, iyagoo wada howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey dilalkaas.

Weli ma cadda sababta loo dilay labada Maamule, balse waxaa loo malaynayaa iney ka dambeeyaan kooxo burcad ah, waxaana falkaas aad uga xumaaday dadka degaanka.

Saacado ka hor ayey aheyd markii degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho lagu dilay wiil dhalinyaro ah ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -