Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dabley hubeysan ayaa galabta dil ugu geysatay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 17 jir.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Suuqii hore ee Anzalooti ka dib markii rag bastoolado ku hubeysan ay rasaas ku fureen wiilkan oo la sheegay inuu ka mid ahaa dadka degaanka.

Ragga dilka geystay ayaa goobta ka baxsdaday, waxaana daqiiqado ka dib halkaas gaaray ciidamada amaanka dowlada oo halkaas ka sameeyey baaritaano.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay wiilkan dhalinyarada ah iyo cida ka dambeysay, waxaana dilka wiilkan ka argagaxay dadka degaanka oo isweydiinaya waxaa uu galabsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax dad badan lagu dilay oo maanta ka dhacay duleedka Balcad

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga oo si adag uga hadlay banaan baxii booliiska joojiyeen iyo waxyeelo loo…

Cabdi Cade

Ciidamada Israel oo qirtay iney weerareen xarun Q/Midoobay ku leedahay Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---