Puntland oo ka xumaatay Haramcad yar oo ku geeriyooday magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin Haramcad yar oo ku dhintay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa sheegtay in Haramcadka yar ee dhintay uu kamid ahaa saddex Haramcad oo laga soo bad baadiyay dad ugaarsato ah, waxaana la sheegay Haramcadka in uu u dhintay nafaqo darro iyo caafimaad xumo.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka Puntland

GAROOWE: 25-02-2024 Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada waxay ka xuntahay haramcad ka dhintay.

Wasaaradda deegaanka,Daaqa iyo isbedelka cimilada waxay 17.02.2024 Magaalada Galkacyo ka soo badbaadiyay Sadex xabo oo haramacad dhal ah(Cheetah Cubs),

kadib Markii koox reer Miyi ah soo qabsadeen Haramacadkaas dhasha ah kana soo ka xaysteen hooyadood iyadoo u jeedkoodu ahaa inay gataan.

Haramcad kan dhasha ah waxay soo qaateen qiyaastii iyaga oo jira wax ka yar labol asbuuc, xiligan oo kale waa kuwo aad u nugul oo ay sahlan tahay in ay dhibaato soo gaadho, Maxaa yeelay wax caano ah kama aysan soo nuugin hooyadood.

Waxay Wasaaraddu aad uga xuntahay in sadexdii harmacada ee dhasha ahaa ee la soo badbaadiyay uu mid kamid ah dhintay xalay,Taas oo ay sababtay xaalada harmacadka dhintay oo aad u liidatay caafimaad ahaan iyo nafaqo ahaanba, layskuna dayay in la badbaadiyo laakin dadaal dheer kadib ugu danbayntii uu dhintay.

Waxaa xaalad wanaagsan ku jira labadii haray, iyaga oo Wasaaraddu dadaal ugu jirto sidii loo xanaanayn lahaa.

Ka ganacsiga sharci darada ah ee duurjoogta waa Danbi qaran(Illegal wildlife Trade) cid kasta oo ku howlan waxaan u sheegaynaa in ay howshaan faraha kala baxaan, Dhamaan xeerarka ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta waxay cadaynayaan in aan laga ganacsan Karin dhamaan khayraadka dibiiciga ah ee dalka sida dhirta, iyo dhamaan duurjoogta dalka.

Waxaan ku war galinaynaa dhmaan laamaha amaanka dowlada Puntland in layska kaashado sidii wax looga qaban lahaa Danbiyada la xiriira Deegaanka iyo Duurjoogta.

- Advertisement -