Ergeyga Madaxweynaha oo wadahadal muhiim ah la yeeshay Ms. Gwen Hines (Sawirro)

Ergeyga madaxweynaha JFS Xassan Sheekh Maxamuud u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha  ayaa kulan qadka fogaan aragga ah la yeeshay madaxa ugu sarreeya hay’adda Save the Children ee Ingriiska Ms Gwen Hines

Ms Gwen ayaa warbixin dhammeystiran Ergeyga ka siisay howlaha ay hay’addeeda u qorsheysay wax ka qabadka gurmadka abaaraha iyo guud ahaan hawlaha ay dalka Soomaaliya ka wadaan.

Ergeyga ayaa uga mahad celiyay dedaalka ay hay’adda Save the Children UK ku bixineyso samatabixinta dadka ay abaaraha sida wayn u saameeyeen, isaga oo sidoo kale ka codsaday in ay ka gacan siiyaan sidii loo xoojin lahaa daddaalka lagu kordhinayo taageerada bani’aadannimo iyo gurmadka abaaraha.

Ugu danbeyn, Gwen Hines oo boggaadisay dedaallada dowladda Soomaaliya iyo xafiiska Ergeygu ku bixinayaan arrimaha gurmadka abaaraha ayaa soo dhaweysay codsiyada Ergeyga, iyada oo taageero dhinacyadaas ku aaddan u ballanqaadday.

- Advertisement -